Dani Olmo Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Ku Aadan Ku Biirista Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Dani Olmo kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda RB Leipzig.

Olmo ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda Barcelona.

Dani Olmo ayaa hadalkiisii ​​ugu horreeyay ku yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay riyo ii rumowday”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Aad ayaan ugu hanweynahay in ay Barcelona samaysay dadaalkan iyo in ay i doonayeen”.

Olmo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la soo bandhigo laguna soo bandhigo garoonka Camp Nou.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga