Xiddiga Trent Alexander Arnold ayaa Liverpool ku qaadanaya bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Liverpool isaga oo isaga tagaya kooxda xagaaga.
Trent Alexander Arnold ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay Real Madrid oo uu si xor ah ugu biiri doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Trent Alexander Arnold ayaa iska diiday heshiisyo badan oo cusub oo ay Liverpool u soo bandhigtay si uu uga tago kooxda.
Kadib markii ay soo bexeen wararka sheegaya in uu heshiis la gaadhay Real Madrid taageerayaasha Liverpool ayaa ka fal celiyay.
Mid ka mid ah taageerayaasha Liverpool ayaa soo duubay muuqaal uu gubayo maaliyada Trent Alexander Arnold ee Liverpool.
Didn’t take long 😭😭pic.twitter.com/JBVSqqphCv
— Anfield Edition (@AnfieldEdition) March 25, 2025
Be the first to comment