Daawo: Semenyo Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeeyay Ee Man City 24 Saac Kadib Markii Uu Ku Biiray Kooxda.

Xiddiga Antoine Semenyo ayaa durba dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Man City kadib markii uu 24 saac ka hor ku biiray kooxda.

Semenyo jimcihii dhamaystiray heshiiska uu ugu soo biiray kooxda Man City isaga oo kaga soo biiray kooxda Bournemouth.

Xiddiga reer Ghana ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Man City daqiiqadii 54-aad.

Semenyo ayaa muujiyay in uu u qalmo xidhashada maaliyada Man City isaga oo waxyaabo badan ka caawin doona kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga