
Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa la arkayay isagoo xanuun dareemaya intii lagu guda jiray tababarka Isniintii, taasoo dhalisay walaac cusub oo uu ka qabo tababare Pep Guardiola.
Gooldhaliyaha ugu sareeya City ayaa ka qayb qaadanaya tababarkii ugu dambeeyay ee kooxdiisa ka hor kulanka champions League markii la arkay isaga oo aad u qaylinaya xanuun dartiis isla markaas gacanta ku qabtay lugta midig.
Haaland wuxuu u muuqday mid aad u xanuusanaya wuxuuna kor u qaaday lugta uu xanuunka ka dareemay waxana lagu samayn doonaa baadhitaan xaaladiisa.
Xiddiga ayaa dhaawacmay isaga oo aan xiddig kale kula loolamin tababarka taas oo wal-wal ku abuuraysa kooxda Man City.
Man City ayaa haatan la dhibaatoonaysa dhaawacyo iyada oo ay xiddigo muhiim ah dhaawac uga maqan yihiin.
Laakiin dhaawaca Haaland ayaa dhabar jab weyn ku ah Man City marka la eego in uu xiddiga reer Norway yahay xiddiga ugu fiican kooxda.
Halkan Ka Daawo qaabkii Uu Haaland U Dhaawacmay:
Erling Haaland appears to suffer an injury in @ManCity training 😬
The reaction of his teammates suggests it can’t have been too serious 😅
🔗 https://t.co/0IUq7ZQGuS pic.twitter.com/lh4uS1XsdV
— Hayters TV (@HaytersTV) November 4, 2024
Be the first to comment