![Carlo Ancelotti Real Madrid 11082024](https://i0.wp.com/kooxda.com/wp-content/uploads/2025/02/Carlo-Ancelotti-Real-Madrid-11082024.jpg?resize=480%2C270&ssl=1)
Real Madrid ayaa u safri doonta Manchester City kulan muhiim ah oo ka tirsan wareega 16ka ee tartanka UEFA Champions League lugta hore ee is reeb-reebka champions league.
os Blancos ayaa ku dhex dhacday isreebreebka cusub ee qaabka cusub ee champions league iyaga oo ku tartamay sidii ay ugu soo bixi lahaayeen wareega xiga.
Barbardhac 1-1 ah oo ay la galeen Atletico Madrid isbuucaan derby ayaa sii waday eedeymaha Ancelotti iyaga oo haatan dareenkooda u jeedinaya tartanka champions league.
Dhibaatada dhaawac ee Real Madrid ayaa sii xumaanaysa xilli ciyaareedkan iyada oo Ancelotti la dhibaatoonayo dhaawacyada.
Lucas Vazquez ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee ka dhaawacma daafaca kooxda Real Madrid.
Xiddiga ayaa sidaas darteed seegi doona kulanka Man City ee champions league.
Be the first to comment