Daafaca Loo Waalanayo Ee Riccardo Calafiori Oo Magacaabay Koox Uu Jecelyahay In Uu Ku Biiro Premier League.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bologna ee Riccardo Calafiori ayaa magacaabay koox uu ku riyoodo in uu uga ciyaaro Premier League.

Daafaca Bologna ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah kana mid yihiin chelsea, Liverpool iyo Man United.

Sidoo kale xiddiga ayaa xiiso ka helaya kooxaha Juventus iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Kooxda chelsea ayaa u muuqata kuwo haysta faa’iido weyn tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga isaga oo horay u qirtay in uu jecelyahay u ciyaarista chelsea.

“Riyadaydu waa in aan ka ciyaaro horyaalka premier League, runtii waxa aan jecelahay kooxda West Ham ama chelsea”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga