Cucurella oo si jees-jees ah uga hadlay garsoorihii casaanka siiyey Vinícius Jr

0

Xiddiga Chelsea iyo xulka Spain, Marc Cucurella, ayaa si jees-jees ah ula hadlay garsooraha kulankii Real Madrid iyo Villarreal, kaddib markii Vinícius Júnior kaarka cas loo taagay.

Real Madrid ayaa 1-0 ku garaacday Villarreal garoonka Santiago Bernabéu, kulan ka tirsanaa wareegga siddeedaad ee LaLiga. Vinícius ayaa casaanka qaatay kaddib markii uu timaha ka jiiday Saliba intii lagu jiray weerar gool uu dhaliyay oo markii dambe la baajiyay.

Advertisment

Muuqaal ay baahisay shabakadda DAZN ayaa muujinayay Cucurella oo garsooraha ku leh hadal kaftan iyo jees-jees isugu jira: “Waxaan rajaynayaa inaad kaarka cas bixiso haddii qof timahayga xitaa hal tin taabto, isla markaana aad u tagto VAR.”

Cucurella ayaa hore dhibaato uga soo wajahday arrinta timihiisa oo la jiiday intii uu u ciyaarayay Chelsea horyaalka Ingiriiska. Hadalkiisa ayaa yimid kaddib dhacdadii muranka dhalisay ee keentay in Vinícius laga saaro ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here