Cristiano Ronaldo waxaa wajahaya ganaax ka bilaaban doona bilowga ololaha Portugal ee Koobka Adduunka xagaaga dambe, kaddib casaan uu qaatay habeenkii Khamiista.
Xiddiga 40-jirka ah ayaa casaan loo taagay kadib markii uu u taagay suxulka difaaca Dara O’Shea intii lagu jiray guuldarradii 2-0 ee Portugal kala kulantay Republic of Ireland oo ka dhacday Dublin.
Ronaldo markii hore waxaa la siiyay kaarka jaalaha ah, balse garsoore Glenn Nyberg ayaa go’aanka u beddelay casaan kaddib markii uu dib u eegis ku sameeyay VAR.
Weeraryahankii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ayaa hadda qaadan doona hal-kulan oo ganaax toos ah, kaas oo ah kulanka xiga ee Portugal ay Axadda la ciyaarayso Armenia, oo ah isreebreebka Koobka Adduunka.
Si kastaba ha ahaatee, sharciyada anshaxa ee FIFA ayaa tilmaamaya in nooca qaladka uu Ronaldo ku muteystay kaarka cas uu ka dhigan yahay inuu seegi karo ugu yaraan laba kulan haddii lagu tiriyo khalad halis galin ah.
Ilaa hadda ma cada in khaladka Ronaldo lagu tiriyay khalad halis ah waxana uu sugayaa go’aanka laga soo saaro arintiisa.
Ganaaxyada ayaa dhaqan gala kaliya kulamada Rasmiga ah laakiin ma dhaqan galaan kulamada saaxiibtinimooyinka ah.
Be the first to comment