Kabtanka xulka Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa taariikh cusub dhigay Salaasadii kadib markii uu xulkiisa hogaamiyay kulankii barbaraha 2-2 ah ee ay la galeen Hungary kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka ee 2026.
Waxaa xusid mudan in Attila Szalai uu aamusiiyay taageerayaashii Lisbon markii uu madax ku dhaliyay goolka furitaanka.
Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay isagoo si fudud u dhammeystiray karoosyo uga yimid labada garab-difaac — Nelson Semedo iyo Nuno Mendes — taasoo keentay in kooxda Roberto Martinez ay hogaanka qabato.

Intii lagu jiray ciyaarta, birta ayaa diiday goolal suurtagal ahaa oo ay isku dayeen Bruno Fernandes iyo Ruben Dias, kuwaasoo nasiib darro aan shabaqa gaarin inkastoo ay fursado wanaagsan heleen.
Laba gool oo uu Cristiano Ronaldo u dhaliyay Portugal kulankii ay la ciyaareen Hungary ayaa ka dhigay taariikh cusub, isagoo hadda noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda isreeb-reebka Koobka Adduunka.
Weeraryahanka kooxda Al Nassr ayaa sidaas ku dhaafay rikoodhkii hore ee Carlos Ruiz — weeraryahan hore oo u ciyaari jiray xulka Guatemala.
Be the first to comment