Cristiano Ronaldo ayaa kalsooni ku qaba in Arsenal ay awood u leeyihiin inay ku guuleystaan Premier League xilli ciyaareedkan, balse aysan la kulmi doonin tartan adag oo ka imanaya mid ka mid ah kooxahooda taariikhiga ah ee ay xafiiltamaan.
Kooxda Gunners ayaa si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub, waxayna ku jiraan sagaal guulood oo xiriir ah dhammaan tartamada, ka hor kulankooda caawa ee Champions League-ka oo ay la leeyihiin Slavia Prague.
Inkasta oo horumar weyn laga sameeyay kooxda tan iyo markii uu maamulka qabtay Mikel Arteta, haddana Arsenal weli ma aysan hanan wax koob weyn ah oo muhiim ah.
Kadib suuq-xagaagii aan caadiga ahayn oo uu hoggaaminayay agaasimaha ciyaaraha cusub Andrea Berta, kaas oo keenay toddobo ciyaaryahan oo cusub, oo ay ku jiraan Martin Zubimendi iyo Eberechi Eze Arsenal ayaa ugu dhaw in ay haatan Soo afjarto sugista horyaalka Premier League.
Ragga uu hoggaamiyo Arteta ayaa haatan lix dhibcood hoggaanka kaga haya horyaalka, waxaana ay rajeynayaan inay farqigaas sii kordhiyaan ka hor dhammaadka usbuuca, iyagoo booqan doona Sunderland, ka hor inta aan Manchester City la ciyaarin Liverpool.
Ronaldo ayaa la waydiiyay hadii ay Arsenal Ku Guulaysan Doonto Premier League Xilli Ciyaareerdkan waxana uu yidhi.
“Waa suurtagal. Waxaan u maleynayaa in Premier League-ga, heerka kooxaha waa mid aad iyo aad isugu dhow, gaar ahaan kuwa sare.
“Premier League waa horyaal adag — waligaa ma ogid waxa dhici doona”
“Arsenal way awoodaan. [Ma guuleysan doonaan?!] Malaha. Way sameyn karaan. Waa suurtagal. Aan aragno”
Halyeeygii hore ee Real Madrid, dhanka kalena, wuxuu ka cabsi qabaa in ay waqti dheer qaadan doonto ka hor inta mid kale oo ka mid ah kooxihiisii hore, Manchester United, aysan diyaar u noqon tartanka koobabka waaweyn.
Ruben Amorim wuxuu u muuqdaa inuu xaaladda hagaajiyay toddobaadyadii u dambeeyay, kaddib markii la dalbanayay in shaqada laga eryo ka hor inta uusan keenin saddex guul iyo hal barbaro afartii ciyaar ee ugu dambeysay.
“United horyaalka ma guuleysanayaan, taas waa hubaal,” ayuu yiri Ronaldo.
Be the first to comment