Cristiano Ronaldo Oo Loo Soo Bandhigay Fursad Uu Uga Ciyaari Karay Koobka Kooxaha Adduunka.

Madaxweynaha Wydad Casablanca Hicham Ait-Menna ayaa xaqiijiyay isku dayga uu ku doonayay saxiixa Cristiano Ronaldo.

Wydad ayaa doonayay in uu xiddiga Al-Nassr u saxiixo heshiis wakhti gaaban ah oo ugala qayb galayo koobka kooxaha adduunka.

Ka dib markii uu tixgeliyay dalabyo dhowr ah, Ronaldo wuxuu doortay inuu sii joogo kooxdo isaga oo heshiis cusub u saxiixaya Al-Nassr.

“Ma garanayo sida xanta u faaftay,” Ait-Menna ayaa shaaca ka qaaday.

“Laakiin haa, waxaan la xidhiidhay mid ka mid ah wakiiladiisa qiyaastii saddex iyo badh ama afar bilood ka hor, anigoo waydiinaya: ‘Miyuu doonayaa inuu ciyaaro koobka kooxaha adduunka?.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga