Cristiano Ronaldo Oo Isaga Cararay Sucuudiga, Sabab.

Kabtanka Al Nassr, Cristiano Ronaldo, ayaa ka dhoofay dalka xilli habeen dhexe ah.

Ka bixitaankiisa Saudi Arabia ayaa yimid iyadoo xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordhayso.

41-jirkan ayaa u duulay Madrid, Spain, isagoo isticmaalaya diyaaradihiisa gaarka ah ee qiimahoodu yahay £61 milyan oo nooca Bombardier Global Express ah.

Ronaldo, oo kooxdiisu u dagaallamayso hanashada horyaalka, waxa uu ku noolaa Riyadh – magaalo la sheegay in lagu garaacay gantaallo Iiraan ah iyadoo weerarradu galeen maalintoodii afraad.

Safaaradda United States ee Riyadh ayaa la sheegay in ay ku dhaceen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) habeenkii, halka warbaahinta dawladda Iran ay sheegtay in xarun talis iyo shaqaale oo ku taalla Bahrain sidoo kale la burburiyay.

Raadraaca duulimaadyada ayaa muujiyay in diyaaradda Ronaldo ee Bombardier Global Express ay qaadatay ku dhowaad toddobo saacadood safarka ay ugu duushay Madrid.

Diyaaradda gaarka ah ayaa ka duushay 8-da fiidnimo, waxayna gaartay qiyaastii 1-da habeenimo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga