Cristiano Ronaldo oo gool dhaliyay, Al-Nassr-na ku hoggaamiyay guusheedii ugu horreysay ee AFC

0

Kooxda Al-Nassr ee dalka Sacuudiga ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Neftchi Fergana ee Uzbekistan, kaddib markii ay 3-1 kaga adkaatay kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee tartanka AFC Champions League Elite.

Angelo Gabriel ayaa hoggaanka u dhiibay Al-Nassr daqiiqaddii 33-aad, isagoo kubbad xooggan ka dhex toogtay xerada ganaaxa kooxda ka soo horjeedday.

Advertisment

Kabtanka Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa daqiiqaddii 42-aad dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa, kaddib markii uu kubbad xooggan shabaqa ku hubsaday, taasoo Al-Nassr siisay hoggaan raaxo leh qeybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Neftchi ayaa qeybtii labaad dadaal ugu jirtay inay ciyaarta kusoo laabato, waxaana daqiiqaddii 51-aad gool u dhaliyay Olesher Odilov, kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Nassr ayaa heshay goolka saddexaad daqiiqaddii 78-aad, markii Anvarjon Gofurov oo ka tirsan Neftchi uu si kama’ ah kubadda goolkiisa ugu leexiyay, taasoo ciyaarta kusoo dhammaatay 3-1.

Dhanka kale, xiddiga reer France ee Kingsley Coman ayaa dhaawac muruqa bowdada ah soo gaaray, waxaana lagu beddelay daqiiqaddii 13-aad, iyadoo booskiisa uu galay Ayman Yahya.

Guushan ayaa Al-Nassr siisay saddex dhibcood, iyadoo ay hadda leedahay saddex dhibcood oo ay kaga jirto kaalinta siddeedaad ee kala sarreynta tartanka. Neftchi Fergana ayaa iyaduna leh saddex dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta toddobaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here