Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa fariin u diray ninka ay isku dalka yihiin ee Ruben Amorim, kaasoo la wareegay hogaanka kooxdiisii hore ee Man United.
Amorim ayaa Manchester United ku hogaamin doona kulanka Ipswich Town, isagoo bedelaya tababarihii la ceyriyay ee Holland Erik ten Hag, kaasoo ahaa tababaraha kooxda markii uu Cristiano joogay Old Trafford.
Ka dib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ku soo bandhigay Portugal kulankii Poland ee Nations League, Ronaldo ayaa yidhi”Waxaan u rajaynayaa Manchester United iyo Amorim guul iyo guul”.
Ronaldo ayaa ka tagay ka dib markii uu dhibaato kala kulmay Ten Hag, waxaana uu weeraray tababaraha reer Holand ka hor intii uuna ka tagin kooxda suuqii January ee 2023.
Cristiano Ayaa Amorim kaga soo garab ciyaaray xulka Portugal iyo waliba Sporting Lisbon ka hor intii uuna Ronaldo ku biirin Man United isaga oo jira 18 sano.
Be the first to comment