
Goolhayaha Thibaut Courtois ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii ka danbaysay guuldaradii waynayd ee ay kooxdiisa ka soo gaadhay Arsenal lugtii hore ee siddeed dhamaadka Champions Leaque-ga.
Declan Rice (laba gool) iyo Mikel Merino (hal gool) ayaa Gunners u kala dhaliyay goolashii ka dhacay Emirates Stadium.
“Arsenal waa koox aad u xoogan, si fiican ayay u cadaadinayaan waxayna si fiican u ciyaaraan inta u dhaxaysa xariiqyada,” Courtois ayaa sidaas yidhi
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Qeybtii hore si fiican ayaan u ciyaarnay, waxaana ku abuurnay qatar weeraro rogaal celis ah, laakiin qeybtii labaad, waxaan ilownay sida loo ciyaaro kubad wanaagsan”.
Goolhayaha Belgian oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Maanu degenayn markii aanu kubbada haysanay, kooxda naga soo horjeeda ayaa laba gool oo cajiib ah dhaliyay isla markaas kaanu fal-celin”.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waqtigaan waa horumar, guuldaradii 3-0 waa ay adag tahay, laakiin waa inaan aaminaa kooxdaan, waxaan qabaa inay suurtagal tahay soo laabashada lugta labaad”.
Courtois ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waa inaan saxnaa qaladaadka, waana inaan isku daynaa inaan gaarno guul, hadii aan dhalino labo gool oo deg deg ah, goolka seddexaad waa iska imaanaya”.
Be the first to comment