Xiddigii hore ee Chelsea, Chris Sutton, ayaa saadaaliyay final-ka koobka Carabao Cup Final ee u dhexeeya Arsenal iyo Manchester City, kaas oo dhacaya fiidnimada Axadda.
Isagoo la hadlayay BBC Sport, Sutton wuxuu saadaaliyay in Manchester City ay ku badin doonto rigoorayaal kadib markii ciyaartu ku dhammaato 0-0.
“Uma maleynayo in final-kan wax saameyn ah ku yeelanayo tartanka horyaalka.
“Waxaan ka cabsi qabaa inuu noqdo kulan aad u adag oo caajis ah, iyadoo labada dhinac ay iska ilaalinayaan khatar qaadashada.
“0-0 kadib 120 daqiiqo — Manchester City ayaa ku guuleysan doonta rigoorayaal,” ayuu yiri Sutton.
Kulankan wuxuu imanayaa iyadoo Arsenal ay hoggaaminayso kala sarreynta Premier League, halka Manchester City ay si dhow uga daba socoto kaalinta labaad.
Labada kooxoodba jadwalkooda horyaalka ayaa la hakiyay toddobaadkan si boos loogu siiyo ciyaarta final-ka ee Wembley.
Be the first to comment