Chelsea Oo Xiddig Kooxdeeda Ah Ugu Hanjbatay In Aanu Ciyaari Doonin Hadii…

Daafaca kooxda chelsea ee Josh Acheampong ayaa loo sheegay in aanu u ciyaari doonin kooxda kowaad ama kooxda horumarka ilaa uu heshiis cusub u saxiixo Stamford Bridge.

Acheampong, oo 18 jir ah, waa ciyaaryahan caalami ah oo da’yar oo England ah, waxaana uu u saftay kooxda bishii February iyada oo Mauricio Pochettino fursadaas siiyay.

Ciyaaryahanka ka soo baxay akadeemiyada Chelsea ayaa la filayay inuu ciyaaro door muuqda xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu ciyaaray kaliya hal kulan kaas oo ahaa wareega seddexaad ee Carabao Cup oo ay la ciyaarayeen Barrow.

Chelsea ayaa loo malaynayay inay Acheampong u aragto kaalinta saddexaad ee kala sarreynta difaaca midig isaga oo ka dambaynaya Reece James iyo Malo Gusto.

Laakiin xitaa laguma magacaabin kursiga keydka kulamadii Chelsea ee Bournemouth iyo West Ham bishii hore inkastoo James iyo Gusto ay labaduba dhaawac ku seegeen.

Athletic ayaa hadda sheegtay in Acheampong loo sheegay inuusan mar dambe u ciyaari doonin kooxda ilaa uu ka saxiixo heshiis cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga