Kooxda Chelsea ayaa garaacday Barcelona kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa champions League.
Kulanka ayay Chelsea ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Barcelona ku qaadayay weeraro rogaal celis ah.
Daqiiqadii 27-aad ayay Chelsea heshay goolka laakiin waxa si khaldan isaga dhaliyay daafaca Jules Kounde.
Barcelona ayaa daqiiqadii 44-aad laga saaray xiddiga Ronald Araujo kaas oo loo taagay kaadhka cas.
Qaybtii dambe gaar ahaan daqiiqadii 55-aad ayuu da’yarka Estavio kooxdiisa Chelsea u dhaliyay gool.
Xiddiga dhaawaca ka soo laabtay ee Liam Delap ayaa daqiiqadii 73-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa.
kadib guushaas Chelsea ayaa haatan soo gashay kaalinta 4-aad ee kala saraynta champions League halka ay Barcelona ku dhaadhacday kaalinta 15-aad.
Be the first to comment