Daafaca kooxda chelsea ee Reece James ayaa la sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo kadib markii uu dhaawac kale soo gaaray.
Kabtanka ayuu dhaawac dhibay xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay isaga oo kaliya 30 kulan u saftay tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedki 2022/2023.
Dhaawac kale oo ka soo gaadhay isla booskii ayaa keentay in uu seego fasaxii xulalka ilaa 20 bishii October laakiin waxa uu si fiican u ciyaaray ka hor fasaxii caalamiga ahaa ee bishii November isaga oo ciyaaray 4 kulan oo xidhiidh ah.
James ayaa la filayay inuu ku soo bilowdo kulanka sabtida ee Leicester City ka dib markii uu laba usbuuc ka maqnaa garoomada ka dib markii uu bedel ku soo galay kulankii Arsenal ee November 10.
Si kastaba ha ahaatee tababare Enzo Maresca ayaa sheegay in uu xiddigu maqnaan doono muddo kadib dhaawac soo gaadhay.
“Waxa jira ciyaartoy naga dhaawacan waana Reece, nasiib xumo xanuun ayuu dareemay mana doonayno in aan halis galino”.
Be the first to comment