Weeraryahanka Chelsea, Liam Delap, ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo qeybtii hore ee ciyaartii ay kooxdiisu la ciyaartay Bournemouth ee Premier League-ka, kadib markii uu dhaawac xooggan ka soo gaaray garabka, sida ay sheegtay shabakadda “Sky Sports”.
Xiddiga Delap ayay si xoogan isugu dheceen daafaca Bournemouth, Marco Sensei kaas oo kor ugu booday kubad cirka maysay.
Delap wuxuu si toos ah uga baxay garoonka isagoo u sii jeeda tunnel-ka, gacantiisana ku taageeraya suun sabab uu la xidhiidha in uu dareemayay xanuun aad u daran.
Dhaawaca Delap ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda chelsea oo la dhibaatoonaysa weerarka xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment