Chelsea Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Soo Laabashada Xilli Ciyaareedka.

Kooxda Chelsea ayaa u muuqata inay heshay war farxad leh ka hor inta aysan dib ugu laaban garoomada kaddib fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.

Blues waxay si wanaagsan ku bilaabeen xilli ciyaareedka, iyagoo urursaday 7 dhibcood saddexdii kulan ee Premier League ee ay la ciyaareen Crystal Palace, West Ham United, iyo Fulham.

Si kastaba ha ahaatee, kulamadaasi ma ahayn kuwo si sahlan ku dhacay, iyadoo ay jiraan caqabado, sida Cole Palmer oo seegay labada kulan ee ugu dambeeyay sababo la xiriira dhaawac muruqa bowdada ah.

Sidoo kale, ciyaartoyda sida Benoit Badiashile iyo Romeo Lavia ayaan weli ciyaarin xilli ciyaareedkan, maadaama ay dhaawacyo kasoo gaareen intii lagu jiray tartankii Club World Cup.

Hase yeeshee, sida lagu sheegay sawirro lagu daabacay barnaamijka rasmiga ah ee Chelsea, laba ka mid ah saddexdaas ciyaaryahan ayaa ku dhow inay ku soo laabtaan tababarka buuxa – taasoo kor u qaaday rajada kooxda ka hor kulamada soo socda.

Chelsea ayaa Isniintii soo bandhigtay sawirro muujinaya Benoit Badiashile iyo Romeo Lavia oo ku sugan tababarka kooxda, iyagoo la shaqeynaya saaxiibadood.

Inkastoo uusan muuqan Cole Palmer, tababaraha kooxdae Enzo Maresca ayaa si weyn ugu faraxsan horumarka ay sameynayaan Badiashile iyo Lavia, kuwaas oo u dhow inay diyaar u noqdaan kulankoodii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga