Chelsea Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka.

Chelsea ayaa tababarka ku soo dhawaysay xiddigaha Cole Palmer iyo Noni Madueke jimcihii ka hor kulanka Premier League ee todobaadka soo socda ay la ciyaari doonaan Tottenham Hotspur.

Palmer ayaa seegay kulankii ay Chelsea guuldarada kala kulantay Arsenal ka hor fasaxii caalamiga ahaa ee March.

Jackson ayaa sidoo kale ku soo laabtay tababarka kadib markii uu dhaawac muruqa ah ku maqnaa muddo laba bilood Iyo badh ah si uu si weyn ugu xoojiyo safka hore ee Chelsea ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.

Chelsea ayay war fiican u tahay soo laabashada xiddigaha marka la eego in ay ku tartamayso boosaska loogu soo boxo champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga