Chelsea Oo Wadahadalo La Furtay Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay wax ka weydiisay suurtogalnimada ay kula soo wareegi karto weeraryahanka Newcastle United Alexander Isak.

Blues ayaa la rumeysan yahay inay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Barcelona ee Marc Guiu suuqa xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, xitaa haddii ay ku guulaysteen inay helaan saxiixa xiddiga 18 jirka ah, Chelsea ayaa la filayaa in ay suuqa ugu sii jirto saxiixa weeraryahan cusub.

Blues ayaa lala xiriiriyay bartilmaameedyo kala duwan, oo ay ku jiraan gooldhaliyaha Lille Jonathan David iyo weeraryahanka Hoffenheim Maximilian Beier.

Xiddiga Aston Villa Jhon Duran ayaa ah magac kale oo la xusay, halka sidoo kale laga soo diiday dalab ay ku dooneysay Atletico Madrid Samu Omorodion.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Blues ayaa wax ka weydiisay heshiis macquul ah oo ay Isak kaga soo qaadaneyso Newcastle xagaagan.

Wararka ayaa sheegay in ay labada kooxood wadahadalo qaateen iyaga oo ka wadahadalay heshiiska xiddiga reer Sweden.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga