Bogga CaughtOffside ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Chelsea ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay daafaca reer Faransiis Jeremy Jacquet si ay ula soo wareegaan suuqa kala iibsiga January.
Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 70 milyan oo euro waana qiimaha lagu qiimeeyo xiddiga.
Boggu wuxuu tilmaamay in kooxda reer London ay hadda u baahan tahay inay heshiis la gaarto kooxda Rennes ee Faransiiska, taas oo doonaysa inay sameyso iibintii ugu qaalisnayd taariikhdeeda iyada oo loo marayo ciyaaryahankan.
Chelsea ayaa ilaa hadda soo bandhigtay 50 milyan oo euro, taas oo ka dhigaysa in helidda xal dhexe oo labada dhinac ah ay noqoto arrin muhiim ah si loo dhammeystiro heshiiska.
Jacquet waxaa loo arkaa xulasho ku habboon oo lagu xoojin karo difaaca Chelsea, maadaama uu leeyahay awood farsamo oo la jaanqaadaysa istaraatiijiyadda hadda ee kooxda ee suuqa kala iibsiga, isla markaana uu awood u leeyahay saameyn degdeg ah inuu ku yeesho ciyaaraha laga bilaabo daqiiqadda ugu horreysa.
Chelsea ayaa xilli-ciyaareedkan la kulmeysa dhibaatooyin waaweyn oo dhanka difaaca ah, iyadoo Colwill uu maqnaa waqtiyo dheer sababo la xiriira dhaawac, halka Chalobah iyo Adarabioyo ay muujiyeen waxqabad aan lagu qancin
Be the first to comment