Chelsea Oo Si Ku Meel Gaadh Ah U Gashay Kaalinta 2-aad Ee Premier League.

Kooxda Chelsea ayaa ku booday kaalinta 2-aad ee kala saraynta premier League kadib markii ay garaacday kooxda Burnley kulan ka tirsanaa premier League.

Kooxda reer London waxay dadaal xooggan ku bilaabeen ciyaarta si ay u dhaliyaan goolka furitaanka, iyadoo sidoo kale Burnley ay isku dayeen inay gaaraan shabaqa martida, balse dhammaan isku dayadoodii waa lagu guuldarreystay, ilaa uu Pedro Neto u istaagay oo uu dhaliyay goolka furitaan waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.

Neto ayaa beddelay ciyaarta kadib markii uu dhaliyay goolka koowaad ee Chelsea daqiiqadii 37-aad, waxaana u sii diyaariyey saaxiibkiis Gittens, waxaana sidaas ku dhammaaday qeybtii hore iyadoo kooxda Talyaaniga Enzo Maresca ay hoggaamineyso ciyaarta.

Markii la soo laabtay nasashada kadib, labada kooxoodba waxay sii wadeen dadaalkooda; Chelsea oo raadinaysay inay laba jibbaarto hoggaankeeda si ay u xaqiijiso guusha, iyo Burnley oo isku dayaysay inay keento barbaro kana soo qaadato hal dhibic kooxda reer London.

Ugu dambeyntiina, kooxda martida ahayd ayaa ku guulaysatay inay gaarto waxa ay doonaysay, iyagoo helay goolkii labaad oo uu saxeexay Enzo Fernández, waxaana u abuuray Marc Guiu, daqiiqaddii 88-aad.

Natiijadan darteed, Chelsea waxay gaartay 23 dhibcood waxayna si ku-meelgaar ah u gashay kaalinta labaad, iyadoo sugaysa natiijooyinka kale ee wareegga.

Dhanka kale, Burnley waxay ku hadhaysaa 10 dhibcood, kaalinta 17-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga