Chelsea Oo Loo Sheegay Sababta Uu Moises Caicedo Ugu Dhibaatoonayo Kooxda.

Shaun Wright-Phillips ayaa aaminsan in Moises Caicedo uu ku dhibtoonayo Chelsea sababtoo ah qaab dhismeedka kooxda ee Mauricio Pochettino.

Caicedo ayaa awoodi waayay in uu saamayn ku yeesho kooxda chelsea kadib markii uu 115 milyan oo euro ugu soo biiray kooxda suuqii xagaaga.

22-sano jirkaan ayaa ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu wacnaa ee Brighton xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah.

Garabkii hore ee Chelsea Wright-Phillips ayaa dareensan in Caicedo uu ka faa’iiday qaab ciyaareedkii Brighton waxana uu sheegay in uuna Pochettino uusan wali hirgalin nidaam ka caawinaya xiddiga reer Ecuador.

“Waxaan u maleynayaa inay adag tahay in Horumar la sameeyo”Wright-Phillips ayaa ku yiri Kelly iyo Wrighty Show.

“Kaliya ma ahan wixii ay ka qabteen suuqa waxa ay la soo wareegeen xiddigo kala duwan mana jirto daganaan garoonka ah, marna ma arkaysid hal shax”.

“Waxa kooxda yimid xiddigo badan mana jirto nidaam ay tahay in ay ku ciyaaraan, hadii aad eegto Caicedo mar walba waa xiddig fiican laakiin waa in uu haysto nidaam kumana haysto chelsea arintaas”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga