Joe Cole ayaa aaminsan in Chelsea ay u baahan tahay inay la soo wareegto hogaamiyaha qolka labiska sida Jordan Henderson si uu u caawiyo kooxda da’da yar ee Enzo Maresca.
Chelsea ayaa u muuqatay kuwo u tartamaya Premier League bishii December laakiin 5 kulan oo guul la’aan ah ayaa ka reebtay tartanka.
Guul 2-1 ah oo ay gurigooda kaga gaadheen West Ham fiidnimadii isniinta ayaa Chelsea ka dhigtay kaalinta afraad ee kala saraynta Premier Leaque-ga, laakiin waxa su’aal la galiyay khibrad la’aantooda.
Cole, oo ku guuleystay seddex horyaal oo Premier League ah waqtigiisii Chelsea, ayaa sheegay in ay Chelsea u baahantahay xiddigo khibrad leh oo caawin kara xiddigaha da’yarka ah ee kooxda.
“Xiddigaha Chelsea waa kuwo fiican oo tayo leh waxana ay noqon doonaan iddigo fiican”ayuu Cole yidhi.
“Aniga ahaan waxa ay u baahanyihiin xiddigo khibrad leh oo caawiye xiddigaha da’yarka ah ee kooxda”.
“Waxa aan jeclaan lahaa in ay kooxdu la soo saxiixato xiddigo sida Jordan Henderson oo kale”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment