Halyeeyga Premier League Alan Smith ayaa Chelsea u sheegay in ay iska iibiso Goolhaye Robert Sanchez kadib guuldaradii lues ka soo gaadhay Arsenal lugta 1-aad ee Semi-final-ka Carabao cup-ka.
Sanchez ayaa galay laba qalad oo waaweyn, taasoo sababtay in Chelsea ay guuldarro 3-2 ah kala kulanto hoggaamiyeyaasha Premier League iyo deriskooda London ee Arsenal, kulan ka dhacay Stamford Bridge habeenkii Arbacada.
Smith ayaa si adag u dhaliilay Sanchez kaddib labadii gool ee ay Arsenal ka dhalisay Stamford Bridge, isagoo ku tilmaamay goolhayaha inuu ahaa “mid si xad dhaaf ah u walwalsan” isla markaana “jilicsan.”
Be the first to comment