
Chelsea ayaa ku qasban inay iibiso ciyaartoy si ay u diwaan galiyaan saxiixyada cusub ee Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Iyada oo qayb ka ah ganaaxa UEFA lagu soo rogay todobaadkii hore jabinta sharciga dhaqaale, Chelsea ma awoodi doonto inay ciyaartoy ku darto champions League ilaa ay isku dheelitirto kooxdeeda.
Taas ayaa la macno ah kharash kasta oo lagu kordhinayo liiska kooxahooda ee UEFA ka diiwaan gashan waa in lagu bixiyaa khidmadaha kala iibsiga ee ciyaartoyda baxaya.
Chelsea ayaa todobaadkii hore lagu ganaaxay ilaa 78.5 milyan kadib markii ay u hogaansami wayday shuruucda dhaqaale ee UEFA.
Waxa lagu soo rogay ugu yaraan £26.7m oo lagu daray ilaa £51.8m oo shuruudo ku xidhan, taasoo ka dhigaysa ganaaxii ugu waynaa ee xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee abid koox la saaro.
Be the first to comment