Chelsea Oo Ka Jawaabtay Dalabka Ac Milan Ee Qiimaha Goolhaye Mike Maignan

Chelsea ayaan dooneynin inay bixiso lacagta 30 milyan ee ay Ac Milan ku qiimayso Goolhaye Mike Maignan, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxda Enzo Maresca ayaa isha ku haysa in ay xoojiso goolhayaheeda suuqa kala iibsiga xagaaga kadib qaab ciyaareedkii aan fiicnayn ee Robert Sanchez xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa wadahadalo la bilowday AC Milan oo ku aadan saxiixa Maignan, kaasoo qandaraaska uu kula jiro kooxda Serie A ka harsan hal sano oo kaliya.

Waxaa la fahamsan yahay in AC Milan ay dalbaneyso lacag dhan €30m si ay u iibiso Goolhayaha reer France suuqa xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, Fabrizio Romano ayaa ku waramaya in Chelsea iyo AC Milan aysan ‘ku dhawayn’ in ay ka heshiiyaan qiimaha iyada oo Kooxa premier League diidan in ay bixiso qiimaha ay Milan dalbanayso.

Chelsea ayaa sidoo kale la sheegay inay u qabatay maalinta Isniinta ah heshiis ay la gasho AC Milan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga