
Kooxda Aston Villa ayaa garaacday Chelsea kulan ka tirsanaa premier league.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Aston villa ahayd kooxda fiican iyaga oo cadaadis saaray kooxda Chelsea.
Blues ayaa dhalisay gool wakhti hore ah iyada oo xiddiga Enze Fernandez uu u dhaliyay goolka furitaanka.
Wixii intaas ka dambeeyay kooxda Aston villa ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo raadinayay goolal ay ku Soo laabtaan.
Daqiiqadii 57-aad ee qaybtii dambe ayay Aston Villa dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Marco Asensio kaas oo ciyaarta ka Dhigay 1/1.
Xiddiga Asensio ayaa Soo laabtay daqiiqadii 89-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa waxana uu ka Dhigay 2/1.
Waxa sidaaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay Aston Villa garaacday Chelsea.
Be the first to comment