Chelsea ayaa guul xilli dambe ah oo dilaa ah ka qaadatay West Ham United, kaddib markii ay 3–2 ku garaacday kulankii wareegga 24-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League) oo ka dhacay Stamford Bridge.
Chelsea ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 40 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta afraad, halka West Ham United ay ku hakadeen 20 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta 18-aad.
West Ham United ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 7-aad, kaddib gool uu dhaliyay Jarrod Bowen, kaas oo ka helay caawin Wan-Bissaka. Goolka labaadna waxa West Ham u dhaliyay Crysencio Summerville daqiiqaddii 36-aad, sidoo kale isagoo ka helay caawin Wan-Bissaka.
Chelsea ayaa farqiga yareysay daqiiqaddii 57-aad, gool uu dhaliyay Joao Pedro, isagoo ka helay caawin Fofana. Daqiiqaddii 70-aad, Marc Cucurella ayaa madax ku barbareeyay ciyaarta, isaga oo goolka labaad u dhaliyay Blues-ka.
Daqiiqaddii 90+2, Chelsea ayaa dhalisay goolka guusha, kaddib kubbad uu soo dhigay Joao Pedro oo Enzo Fernandez uu shabaqa geliyay laad cajiib ah.
Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta waxaa dhacay gacan-ka-hadal u dhexeeyay ciyaartoyda labada kooxood, taas oo keentay in garsooruhu, kaddib markii uu la tashaday VAR, uu kaarka cas siiyo Todibo.
Be the first to comment