Chelsea Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Everton.

Kooxda Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaartay martideeda Everton kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge, kaas oo ka tirsanaa wareegga 16-aad ee Premier League-ga Ingiriiska.

Ciyaarta ayaa lagu arkay bandhig fiican oo ay sameeyeen Blues-ka, kuwaas oo si buuxda u maamulay ciyaarta laga soo bilaabo bilowgii ilaa dhammaadkii.

Xiddiga reer England Cole Palmer ayaa u furay goolasha Chelsea daqiiqaddii 21-aad, halka Malo Gusto uu dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii ugu horreysay ee waqtiga dheeriga ah ee dhammaadka qeybta hore, taasoo u xaqiijisay Chelsea hoggaan raaxo leh ka hor nasashada.

Everton ayaa isku dayday inay soo laabato ciyaarta, balse way ku guuldarreysatay inay ka faa’iidaysato fursadihii ay heshay, halka Chelsea ay soo bandhigtay difaac adag isla markaana ay si guul leh u ilaashatay natiijada ilaa dhammaadka ciyaarta.

Guushan kaddib, Chelsea waxay dhibcaheeda ka dhigtay 28 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta afraad ee kala sarreynta horyaalka, halka Everton ay ku hakaday 24 dhibcood kana gashay kaalinta siddeedaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga