Chelsea Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Everton.

Kooxda Chelsea ayaa sii wada dagaalka ay uGu jirto u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Blues ayaa la ciyaartay kooxda Everton kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Stamford Bridge.

Ciyaarta ayaa ahayd kooxda ka awooda badan Everton iyaga oo maamulayay ciyaarta kuna qaadayay weeraro aan kala joogsi alahayn.

Daqiiqadii 27-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Chelsea ayaa helaysay fursado si la mid ah kooxda Everton ayaa dhinaceeda helaysay fursado.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo y Chelsea guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Everton iyaga oo sii xoojiyay fursadooda u soo bixista champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga