Hoggaanka sare ee kooxda Chelsea ayaa weli haysta “kalsooni buuxda” oo ay ku qabaan tababaraha kooxda Liam Rosenior, sida uu qoray wargeyska UK ee Metro.
Mustaqbalka Rosenior ee garoonka Stamford Bridge ayaa la is waydiinayay toddobaadyadii u dambeeyay.
Kooxda Blues waxay guulaysatay hal kulan oo keliya siddeedii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada.
Guuldarradii 2-0 ahayd ee ay kala kulmeen Everton habeenkii Sabtida, waxay ahayd guuldarradii afraad oo xiriir ah dhammaan tartamada.
Tani waxay ka dhigtay Chelsea inay gasho kaalinta lixaad, iyadoo halis ugu jirta inay seegto u-qalmitaanka tartanka Champions League.
“Dabcan, Chelsea waxay sii waddaa taageerada Liam Rosenior,” ayuu yiri khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Fabrizio Romano oo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube.
“Waxay sidoo kale arrintaas si cad uga hadleen kahor kulankii Everton, iyagoo xusay kulamo, wada-hadallo, iyo rabitaanka ah in ay la jaanqaadaan qorshayaasha suuqa xagaaga ee Chelsea.
Sidaas darteed Rosenior wali wuxuu haystaa kalsoonida buuxda, waana sida ay xaaladdu hadda tahay gudaha kooxda.”
Be the first to comment