
Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba ogolaatay in ay si toos ah ula wareegto xiddiga jadon Sancho kadib markii uu amaah ugu soo biiray kooxda xagaagii hore.
Chelsea ayaa Sancho kula soo wareegtay qaab amaah ah maalmihii ugu dambeeyay ee suuqii kala iibsiga xagaaga.
Sancho ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu kooxdiisa ku qanciyay in ay si toos ah ula wareegto.
Sida laga soo xigtay saxafiga Simon Phillips, Chelsea ayaa diyaar u ah in ay si toos ah ula wareegto xiddiga kadib markii ay ku qanacday qaab ciyaareedkiisa.
Warka ayaa sheegaya in ay chelsea ku qasbanayd in ay si toos ah ula wareegto xiddiga hadii ay ku dhamaysato 5-ta kooxood ee ugu sareeya horyaalka taas oo haatan macquul ah.
Be the first to comment