Chelsea Oo Garaacday Aston Villa Soona Qabatay Arsenal.

Kooxda chelsea ayaa sii wada natiijooyinkii fiicnaa ee kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo garaacay kooxda Aston Villa.

Chelsea ayay kaliya 7 daqiiqo ku qaadatay in ay ku hor maraan goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Enzo Maresca ayaa maamulayay ciyaarta iyaga oo Aston Villa u diiday in ay helaan fursado ay ku bar-barayn karaan.

Daqiiqadii 36-aad ayay kooxda chelsea dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Enzo Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Chelsea ayaa wixii intaas ka dambeeyay maamulaysay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Aston villa.

Xiddiga Cole Palmer ayaa markiisa dhaliyay gool daqiiqadii 83-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea badisay kulan isla markaas soo gashay kaalinta 3-aad ee kala saraynta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga