Chelsea ayaa xaqiijisay inay la soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Saint-Etienne Mathis Amougou heshiis ku kacaya 12 milyan.
19 jirkaan ayaa saxiixay qandaraas sideed sano ah.
“Aad ayaan u faraxsanahay,” ayuu u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda.
“Sharaf ayay ii tahay inaan u saxiixo koox weyn sida Chelsea”.
“Waxay aaminsan yihiin ciyaartoyda da’da yar, habka ay u sameeyeen si ay noo horumariyaan waa mid cajiib ah.”
Be the first to comment