Chelsea OO Dalab Ka Gudbisay Goolhaye La Liga Ka Ciyaara.

Kooxda chelsea ayaa u muuqata kuwo sii wada wacdaraha suuqa kala iibisga xagaaga.

Chelsea ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa Goolhayaha Kooxda Villarreal ee Filip Jorgensen sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay chelsea dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay saxiixa Goolhaye Filip Jorgensen.

Blues ayaa Villarreal miiska u saartay lacag dhan 20 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa Goolhaye Filip Jorgensen.

Dhinaca kale Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga si ay ugala heshiiso mushaharka iyo shuruudaha kale ee shaqsiga.

Goolhaye Filip Jorgensen ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda chelsea si uu ga qayb noqdo kooxda Tababare Enzo Maresca.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga