Kooxda Chelsea ayaa dalab aad u sareeya ula tagaysa kooxda Napoli iyaga oo ka doonaya saxiixa Victor Osimhen.
Chelsea ayaa haatanba dhaqaaqday sidii ay heshiis ula gaadhi lahayd kooxda Napoli si ay u helaan saxiixa Victor Osimhen.
Shabakadda Di Marzio ee dalka Talyaaniga ayaa ku warantay in Chelsea ay dooneyso inay heshiiska xiddiga ku dhamaystirto lacag dhan 80 ilaa 90 milyan oo euro.
Kooxda Chelsea ayaa dhinaca kale diyaar u ah in ay heshiiska raaciso Romelu Lukaku si ay hoos ugu dhigto qiimaha lagu qiimeeyo xiddiga.
Waxa xusid mudan in ay Napoli haatanba xiiso u qabto saxiixa Romelu Lukaku si ay ugu xoojiso weerarka.
Be the first to comment