Chelsea Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh La Galay 10 Xiddig Oo Burnley Ah.

Kooda Chelsea ayaa sii wada luminta dhibcaha iyaga Oo Bar-baro niyad jab leh kala kulmay kooxda Burnley kulan ka dhacay stamford Bridge.

Chelsea ayaa bilawgii ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay goolka furitaanka.

Chelsea ayaa heshay gool ku laad, waxaana u dhaliyay Cole Palmer goolkii ugu horeeyay ee Blues daqiiqadii 44-aad ee ciyaarta.

Burnley ayaa daqiiqadii 44-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Joshua Cullen.

Palmer ayaa soo laabtay oo mar kale dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa waxana u dhaliyay xiddiga Cole Palmer oo hogaanka u dhiibay ciyaarta.

Kooxda Burnley ayaa daqiiqadii 81-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Dara O’Shea.

Natiijadan, Chelsea ayaa kor u qaaday dhibcaheeda afartan dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta 11-aad ee Premier League halka Burnley ay hadda leedahay 18 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta 19-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga