Chelsea Mise Liverpool? Jeremy Jacquet Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee aadka loo qiimeeyo ayaa iska diiday Chelsea isaga oo doortay kooxda Liverpool sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Jeremy Jacquet ayaa heshiis buuxa la gaadhay kooxda Liverpool isaga oo dhamaystiri doona heshiiska saacadaha oo socda.

Liverpool ayaa dadaal aad ah u gashay sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga kadib markii ay wadahadalo la bilowday xiddiga 3 todobaad ka hor.

Chelsea ayaa dhinaceeda doonaysay saxiixa xiddiga waxana ay u soo bandhigtay lacag aad u badan laakiin Liverpool ayaa xiddiga u soo bandhigtay in uu muhiim ka noqon doono kooxda 1-aad xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa maanta tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda si uu u dhamaystiro heshiiska oo ku kacaya 60 milyan oo euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga