
Chelsea iyo Manchester United ayaa ka fikiraya heshiis is dhaafsi ah oo ay isku dhaafsanayaan laba ka mid ah xiddigaha kooxda.
Kooxaha chelsea iyo Man United ayaa ka fikiraya in ay is dhaafsadaan xiddigaha Christopher Nkunku iyo Alejandro Garnacho.
Labada ciyaaryahan ayaa la filayaa inay ka tagaan kooxahooda suuqa kala iibsiga ee haatan socda Standard Sport ayaana fahansan in Chelsea iyo United ay haatan ka fikirayaan in ay is dhaafsadaan labada xiddig.
Mustaqbalka Nkunku ee Stamford Bridge ayaa muddo dheer shaki la galinayay ka dib markii uu ku soo bilowday kaliya sagaal kulan oo Premier League ah intii uu ka hoos ciyaarayay Enzo Maresca xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay seddex gool.
Si la mid ah Nkunku iyo United, Garnacho waxa uu ahaa ciyaaryahan ay xiiseynayeen Chelsea xagaagii hore markaasoo ay u muuqatay inuu ka tagi karo Old Trafford, iyadoo ay jiraan warar xan ah oo badan bishii January in ay chelsea isku dayday saxiixiisa.
Be the first to comment