Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka League Cup-ka England (Carabao Cup) ee xilli ciyaareedka 2025/2026, kadib markii ay 2-0 kaga adkaatay Arsenal ciyaartii finalka ee lagu qabtay Wembley Stadium.
Goolka koowaad ee kooxda Sky Blues waxaa dhaliyay Nico O’Reilly daqiiqaddii 60aad, kadib markii uu ka faa’iideystay qalad weyn oo uu sameeyay goolhayaha Arsenal, Kepa. Kaliya afar daqiiqo kadib, daqiiqaddii 64aad, O’Reilly ayaa markale dhaliyay goolkii labaad, isagoo sidaas ku xaqiijiyay guusha kooxdiisa.
Arsenal ayaa isku dayday inay jawaab bixiso intii ay ciyaartu socotay, balse kuma aysan guuleysan inay halis dhab ah geliyaan goolka Manchester City ama ay wax gool ah dhaliyaan, taasoo keentay in ciyaartu ku dhammaato 2-0 oo ay ku adkaato Manchester City.
Guushan ayaa Manchester City u sii xoojisay rikoodhkeeda tartamada gudaha, iyadoo ku dartay Carabao Cup koobabkeeda, halka Arsenal ay sii wadi doonto dadaalka ay ku doonayso inay ka soo kabato guuldarradan tartamada soo socda.
Be the first to comment