
Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa xaqiijiyay in xilli ciyaareedkan uu kooxdiisa Liverpool kula guulaysto horyaalka Premier League ay tahay muhiimadiisa ugu sareysa, Marka loo bar-bar dhigo tartanka champions League.
Wareysi uu siiyay wargeyska, Salah ayaa shaaca ka qaaday in aragtidiisii koobabka ay isbedeshay, isagoo xusay in ku guuleysiga Premier League ay haatan noqotay muhiimadiisa ugu weyn.
Salah oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mar walba waxaan u arki jiray Champions League inuu yahay kan ugu muhiimsan, laakiin xilli ciyaareedkan aragtideyda waa isbedeshay”
“Muhiimadayda ugu weyn hada waa in aan ku guulaysto premier League”.
Inkastoo Liverpool ay ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii 2019/2020, Salah wuxuu aaminsan yahay in ku guuleysiga horyaalka xilli ciyaareedkan uu noqon doono mid gaar ah, sababtoo ah maqnaanshaha dabaaldegyada dadweynaha ee waqtigaas oo ka dhashay cudurka korona.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan doonayaa kaliya inaan kula guuleysto Premier League taageerayaasha iyo magaalada, iyo inaan ku noolaano khibradda aan ku wada dabaaldegno waddooyinka Liverpool, taasi waxay noqon doontaa bandhig cajiib ah.”
Be the first to comment