Champions League: Carragher Oo Saadaaliyay Halkan Ay Chelsea Kaga Hadhi Doonto Tartanka

Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher ayaa saadaaliyay in Chelsea aysan ka soo bixi doonin wareega group-yada horyaalka ee UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

Laacibkii hore ee reer England ayaa saadaaliyay in kooxda Premier League ee galbeedka London aysan ka soo bixi doonin heerka koowaad ee Champions League.

Chelsea ayaa ku Soo laabanaysa Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2023 ka dib markii ay ku dhameysatay kaalinta afaraad ee miiska kala sarreynta Premier League xilli ciyaareedkii hore.

“Uma maleynayo in Chelsea ay ka soo bixi doonto heerka group-yada Champions League,” Carragher ayaa yiri.

Chelsea ayaa laba jeer ku guuleysatay UEFA Champions League taariikhdeeda.

Blues ayaa ku guulaysatay 2012 waxayna ku celcelisay qaabkii uu sameeyay 2021 markaas oo uu hogaaminayay Thomas Tuchel.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga