CHAMPIONS LEAGUE: 10 Xiddig Ee Ugu Goolasha Badan Taariikhda Champions League.

Tartanka Champions League waxaa ka soo muuqda kooxaha ugu fiican Yurub iyo ciyaartoyda ugu fiican, waxaana qaar ka mid ah goolashii ugu fiicnaa kubbada cagta laga dhaliyay tartanka Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya gooldhalinta tartankan, isagoo 141 gool dhaliyay 187 kulan oo uu u saftay Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid iyo Juventus.

Lionel Messi waa ninka ugu dhow ee Ronaldo, isagoo dhaliyay 129 gool 163 kulan oo uu saftay, inkastoo uusan waligii barbareyn doonin gooldhaliyaha Portugal, maadaama uu ka ciyaaro horyaalka sucuudiga.

Ma jiro ciyaaryahan kale oo taariikhda tartanka gaaray 100-ka gool, inkastoo Barcelona Robert Lewandowski uu dhaliyay 94 gool.

Hadaba halkan kaga bogo xiddigaha goolasha ugu badan ka dhaliyay champions League.

1.Cristiano Ronaldo 141 Gool.

2.Lionel Messi 129 Gool

3.Robert Lewandowski 94 Gool

4.Karim Benzema 90 Gool

5.Raul Gonzalez 71 Gool

6.Ruud van Nistelrooy 60 Gool

7.Andriy Shevchenko 59 Gool

8.Thomas Muller 54 Gool

9.Thierry Henry 51 Gool

10.Filippo Inzaghi 50 Gool

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga