Cesc Fabregas Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League.

Xiddigii hore ee Arsenal Cesc Fabregas ayaa u sheegay xiddigaha Arsenal in ayna waxba ka badalin sida haatan xilli ay ku tartamayaan horyaalka Premier League.

Si kasta ha ahaatee Halyeeyga Gunners ayaan kooxdiisa ku taageerin ku guulaysiga horyaalka premier League isaga oo sheegay in ay adagtahay in la saadaaliyo kooxda ku guulaysan doonta horyaalka.

Iyada 7-kulan ayaa ka harsantahay horyaalka Gunners ayaa hogaanka u heysa horyaalka, iyadoo farqiga goolasha kaga horreeya Reds, iyadoo Citizens ay dhibic ka hooseyso.

Man City ayaa loo arkaa kuwa ugu cad-cad marka la eego in ay kulamo fudud u hadheen marka loo bar-bar dhigo kulamada u dhiman Arsenal iyo Liverpool oo ay ka mid yihiin chelsea, Tottenham, Man United iyo Aston Villa.

“Waxaad shaqeyneysay sideed, sagaal bilood, xilli ciyaareedka oo dhan si aad booskaan u gasho, kaliya waxaad dooneysaa inaad ka hesho waxa ugu wanaagsan” waa fariinta uu Xiddigii hore ee Gunners u diray xiddigaha kooxda.

“Wax walba oo aad samaynaysay oo aad halkan ku soo gaadhay ha badalin, kaliya sii wad in aad samaysid”.

“‘Waxay ku socdaan dariiqa saxda ah, 100 boqolkiiba way soo gaarayaan, 100% hadda waa Arsenal”.

“Haatan tartanku waa adag yahay sidaas darteed lama saadaalin karo kooxda ku guulaysan doonta horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga