Ceebtood Maahee Waa Caadadood: Liverpool Oo Mar Kale Wakhti Wadno-Xanuun Ah Guul Gaadhay.

Kooxda Liverpool ayaa sidii caadada ahayd guul wakhti dambe ah ka gaadhay Burnley kulan ka tirsanaa premier League.

Liverpool ayaa ahayd kooxda fiican iyada oo Burnley ku ciyaartay 5 daafac ah si ay ugu diido Liverpool in ay dhaliso goolal.

Daafaca Burnley ayaa ku guulaystay in ay joojiyaan weerarka Liverpool iyaga oo u diiday fursad ay ku abuuraan xitaa fursad wax ku ool ah.

Salah Iyo saaxiibadiis ayaa wax walba isku dayay in ay u sameeyaan sidii ay u dhalin lahaayeen gool laakiin uma suurtagalin.

Iyada oo cid walba filayso in ay ciyaartu ku dhamaato bar-baro isla markaas cadawga Liverpool farxad la dabaal-dagayaan ayay wax walba is badaleen.

Daqiiqadii 90+4-aad ayay Liverpool heshay rikoodhe kadib markii xiddig Burnley ah kubada gacanta u dhigay.

Mohamed Salah ayaa isla markiiba gool u badalay rikoodhadii kooxdiisana ku hogaamiyay guul qaali ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul wakhti dambe ah ka gaadhay Burnley.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga