Ceebtood Maahee Waa Caadadood: Arsenal Oo Guuldaro Xanuun Badan Kala Kulantay PSG.

Kooxda PSG ayaa Arsenal ku dhex garaacday Emirates kulan ka tirsanaa Lugta Hore ee champions League.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo koox walba doonaysay in ay dhaliso goolka 1-aad.

Kooxda PSG ayaa ka naxsatay Arsenal waxana goolka 1-aad u dhaliyay xiddiga Dembélé kaas oo ciyaarta ka Dhigay 1/0.

Arsenal ayaa dadaal u samysay sidii ay u dhalin lahayd bar-baraha laakiin uma suurtagalin.

Xiddiga Merino ayaa dhaliyay gool laakiin goolkaas ayaa l Diiday sabab la xidhiidha Offside.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guuldaro kala kulantay kooxda PSG.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga